Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Waxaa la isla dhexmarayaa in uu Ra’iisul Wasaare "Saacid" ku socdo Xarig Dun ah korkiisa oo ay u harsantahay Maalmo Faro-kutiris ah, sidaas waxaa Keydmedia Online u xaqiijiyeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
In ka badan 170 Xildhibaan ayaa waxaa la sheegayaa in ay jeebka ugu jiraan Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, hase ahaatee wali falisaadu wey socotaa oo lama oga Xaqiiqadu, Howsha la isku hayo mesha ay ku dhamaan doonto.
Waxaa la hadal hayaa in Sabtida kahor, inta Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari uu ku maqan yahay Dalka Kuwait, Xilka laga qaado Shirdoon, waxaana Xildhibaanadaan hor socda Mahad Cabdala Cawad oo maalin dhaweyn la Shiray Madaxweynaha.
"Waa la bilaabay Mooshin ka dhan ah Cabdi Faarax Shirdoon, waxeyna u egtahay in Xildhibaanadda intooda badan ay la safteen Madaxweynaha" Ayuu yiri Xildhibaan aan Arintaan ka wareysanay.
Madaxweynaha ayaa Safar Shaqo u diray Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Ku xigeenkiisa Jeylani Nuur Ekar.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments