Rooble oo la kulmay Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya

Kulankii ugu horreeyay ayaa dhex maray Ra'iisul wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabsilsan Soomaaliya Mr.James Swan.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo la kulmay Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay uqaabilsan Soomaaliya, James Swan, waxaa uu la kulmay Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyagoo ka wada hadlay arrimaha mudnaanta guud leh ee dowladnimada iyo xuquuqda aadanaha, amniga iyo nabad-dhisidda, iyo sidoo kale horumarka bulshada iyo dhaqaalaha.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska Ra'iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa noqonaya kii ugu horreeyay dhex mara labada masuul tan intii lasoo magacaabay Ra'iisulwasaare Rooble, waxaana ugu dambeyn la isku af gartay wada shaqeyn labada dhinac iyadoo kulanka uu soo gabagaboobay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.