Ra’iisulwasaarayaashii soo maray Soomaaliya ee 2020 geeriyooday

Dhacdooyinkii 2020 la diiwaan geliyay waxaa kamida dhimashada Afar kamida Ra’iisulwasaarayaashii soo maray Soomaaliya oo sanadkan dhammaaday gudihiisa ku geeriyooday meelo kala duwan.

Warar Keydmedia Online
Ra’iisulwasaarayaashii soo maray Soomaaliya ee 2020 geeriyooday

MUQDISHO, Soomaaliya - Sanadka dhammaaday ee 2020 waxaa geeriyooday Afar kamida Ra'iisulwasaarayaashii soo maray dalka Soomaaliya

April 1, 2020: Waxaa geeriyooday Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) wuxuu ahaa Ra’iisul wasaarihii dowladdii KMG ee Soomaaliya, intii u dhaxeysay November 2007 iyo February 2009.

Waxa uu ku geeriyooday magaalada London, halkaasi oo uu ku xanuunsanaa toddobaadyadii u dambeeyay, Nuur Cadde ayaa waxaa ku dhacay xanuunka COVID-19 ee caalamka ku faafaya, isaga iyo wiil uu dhalay, waxaa uuna ahaa 83 sano jir.

Waxaa lagu xasuustaa Nuur Cadde intii uu xilka hayey waxay is khilaafeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya AUN Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana loolankaas oo uu ku adkaaday ay qasabtay in madaxweynaha uu xilka iska casilo 29-kii December 2008.

July 12, 2020: Waxaa geeriyooday Xasan Abshir Faarax, oo ahaa Ra’iisul Wasaare Soomaaliya intii u dhaxeysay November 12, 2001 ilaa November 8, 2003. Xasan Abshir ayaa ku geeriyooday waddanka Turkiga gaar ahaan magaalada Ankara, waxa uuna u dhintay xanuunka halista ah ee COVID-19 kaasoo sababay dhimasho dad badan oo uu ka mid yahay Ra’iisulwasaarihii hore ee Xasan Abshir.

Xasan Abshir ayaa dowladihii kala duwanaa ee Soomaaliya ka soo qabtay xilal kala duwan, wuxuu Ra'iisulwasaare ka soo noqoday dowladdii KMG ee madaxweyne Cabdi Qaasim Salaad Xasan uu hoggaaminyay, wuxuuna xilkaasi hayay muddo laba sano ah

October 8, 2020: Waxaa geeriyooday Cali Khaliif Galeyr oo Ra’iisul Wasaare ka noqday dowladdii KMG ee lagu soo dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, intii u dhaxeysay October 8, 2000 ilaa October 28, 2001. Cali Khaliif Galleyr ayaa ku geeriyooday magaalada Jigjiga, waxa uuna u dhintay xanuunka halista ah ee soo ritay dad badan oo adduunka ku nool ee COVID-19.

Waxaa lagu xasuustaa Cali Khaliif kasokow xilka Ra’iisulwasaaranimada Soomaaliya inuu soo noqday Madaxweynaha maamul iskiis is-magacaabay oo la yiraahdo Khaatumo State, kaasoo aan aqoonsi ka helin dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka toona, wuxuuna muddo kaddib ku biiray maamulka madax-bannaanida ku dhawaaqay ee Somaliland oo uu wada-hadal kula galay sidii uu ugu biiri lahaa Somaliland.

November 18, 2020: Waxaa geeriyooday Cumar Carte Qaalib oo Ra’iisulwasaare ka ahaa Soomaaliya intii u dhaxeysay January 24, 1991 ilaa May 1993. Cumar Carte Qaalib ayaa intii uusan Ra’iisulwasaare noqon waxa uu soo noqday Wasiirkii Arrimaha Dibadda Soomaaliya dowladdii Kacaanka, markii dambe ayuu Maxamed Siyaad Barre u magacaabay inuu noqdo Ra’iisulwasaare.

Waxa uu ku geeriyooday magaalada Hargeysa isagoo in muddo ah ku xanuunsanaa, wiilkiisa Maxamed Cumar Carte Qaalib oo isna soo noqday Ra’iisulwasaare iyo Xildhibaan Golaha Shacabka JFS ayaa iska casilay xilkaas kaddib markii uu xanuunsaday Aabihiis, xaaladdiisa caafimaadna ay sii darsatay, ilaa ugu dambeyn uu ku geeriyooday magaalada Hargeysa, waxa uuna ku geeriyooday da’da 90 Sano.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.