Raisul Wasaaraha “Weerarada Al-shabaab Niyad Jab kama Qaadidoono”

Muqdisho (KON) - Raisul Wasaare Cabdiweli Sheikh Axmed oo Muqdisho Warbaahinta kula hadlay ayaa ka hadlay Weerarada Al-shabaab.
Warar Keydmedia Online
Raisul Wasaaraha “Weerarada Al-shabaab Niyad Jab kama Qaadidoono”

Raisul Wasaare C/wali ayaa sheegay in Weerarada Al-shabaab ay tahay Guuldaro ka soo gaartay dagaalka Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku jabiyeen Al-shabaab islamarkaana ay doonayaan in ay ismuujiyan.

Waxaa uu sheegay in Weerarada Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa Midawga Afrika ay Dhiiri galin ka qaadayaan.

“Xukumadda Soomaaliya waxaa ay u aragtaa Weerarka Al-shabaab in ay Daciifeen oo Dagaalka dalka ka socda lagu jabiyey,waxaan leeyahay Al-shabaab waa xiligii Dalka laga Xoreen lahaa”ayuu yiri Rw C/wali.

Hadalka Raisul wasaaraha Soomaaliya ayaa imaanaya Xili Maleeshiyada Al-shabaab Qarax iyo Weerar toos ah ay ku qaadeen Hottel ay ka daganayeen degmada Buulabarde Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho