RW Cabdiwali ”Ciidamadu hasoo dhaweeyaan Shabaabka soo goosta”

Muqdisho (KON) - Raisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cabdiwali Sh. Axmed oo Xalay kulan Amaanka looga hadlayo la qaatay Wasiirada Amniga, Gaashaandhiga iyo Arimaha Gudaha ayaa ka warbiixyey Howlgalka Ciidamada ay ka wadaan Gobolada Bakool iyo Gedo.
Warar Keydmedia Online
RW Cabdiwali ”Ciidamadu hasoo dhaweeyaan Shabaabka soo goosta”

Cabdiwali Sheikh ayaa sheegay in Dagaalada ka socda Koofur Galbeed Soomaaliya, Al-shabaab lagu jabiyey oo Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Guulo gaareen.

Waxaa uu Raisul wasaaraha Hanbalyo u Diray Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo uu sheegay in ay u bareereen Difaaca Dalka iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Raisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya C/wali Sh Axmed ayaa Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan Maleeshiyaadka ka tirsan Al-shabaab ee Ciidamada Isku soo dhiiba.

“Xukumadeeydu wey soo dhaweynesaa Maleeshiyaadka Al-shabaab ee la qalday,Waxaan bari doonaa Xirfado ay ku shaqeystaan hadii ay Dowladda Soomaaliya  isku soo dhiibaan”ayuu yiri C/wali Sh.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa Ciidamada Dowladda iyo AMISOM waxaa ay kala wareegeen Degmooyink ka tirsan Gobolada Bakool iyo Gado oo ay mudo maamuli jireen.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho