Rajo la’aanta soo laabashada Farmaajo

Soomaalida ayaa ku maah-maahda, "Tukuhu calaf uu caano ku arko wuu leeyahay, balse malahan calaf uu ku cabo"

Warar Keydmedia Online
Rajo la’aanta soo laabashada Farmaajo

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa hadda laga dareemayaa saan-saan muujineysa inuu ka rajo dhigay kusoo laabashada Villa Somalia.

Farmaajo ayaa mudadii uu shaqeynayey ahaa mid isku soo xiray Villa Somalia, taladiina geligiis gacanta gashtay, isaga oo shaqsiyaadna hubanti la'aan isaga aaminay hantidii qaranka, wuxuuna iloobay mas'uuliyadda ka saaran dalka iyo dadka.

Kahor shirka Dhuusamareeb, wuxuu Farmaajo aaminsanaa in Sanado kale uu isaga darsan karo doorasho la'aan, sidoo kalena dalka uu maamuli doono iyadoo aanay jirin cid la xisaabtameysa, ama waqtiga ku ilaalineysa.

Hadda sida muuqato rajadaasi waa uu iska tuuray, markii hore wuxuu aaminsanaa in Xasan Cali Kheyre la shaqeyn doono, sanado kalena kusii joogayaan.

Wixii xalay ka dambeeyey waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyey yoolka ah, in doorasho loo socdo, talana ay farihiisa ka baxday, iskana lumiyan Afar Sano oo dalkaan loo dhiibay.

Dadka saadaaliya arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in Farmaajo uu noqon doono musharrax, balse uu goobta uu kala kumi doono wixii ay la kulmeen madaxweynayaashii isaga ka horreeyey.

Soomaaliya hadda waxay u jiheysatay doorsho, balse lama oga cidda bedali doonta Farmaajo, iyo waxa uu dalkan u qaban doono midkii imaan doono. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.