Rakaabkii shalay laga celiyay Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho

Rakaabkii saarnaa diyaaraddii shalay laga celiyay Jabuuti, ayaa manta soo gaaray magaalada Muqdisho, diyaaradan waxay aheyd Airbus oo ah toos Muqdisho iyo Istanbul, waxayna timaadaa maalmaha Sabti iyo Khamiis.

Warar Keydmedia Online
Rakaabkii shalay laga celiyay Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya- Duulimaadyadii ay ku imaan jirtay Shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa dib u bilowday, kaddib markii shalay ay dib looga celiyay dalka Jabuuti.

Rakaabkii saarnaa diyaaraddii shalay laga celiyay Jabuuti, ayaa manta soo gaaray magaalada Muqdisho, hasayeeshee qeyb kama ahan Fahad Yaasiin iyo saraakiil la sheegay inay la socdeen diyaaradaasi kasoo degtay gegida diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Shalay afhayeenka Farmaajo war saxaafadeed kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Jabuuti ay Fahad Yaasiin ku xannibtay garoonka diyaaradaha ee Jabuuti, ayna tahay mid aan sharci aheyn oo sii kala fogeyn karta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ka dhaxeeya.

Dhinaceeda dowladda Jabuuti ayaa iska bariyeeshay eedeynta kaga timid Villa Soomaaliya, dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda Turkish Airlines ayaa isla shalay dib loogu celiyay magaalada Istanbul oo markii hore duulimaadkeeda ka soo bilowday.

Diyaaradda Turkish Airlines ee maanta Muqdisho soo gaartay waxay aheyd Airbus oo ah toos Muqdisho iyo Istanbul, waxayna timaadaa maalmaha Sabti iyo Khamiis.

Macluumaad aan heleyno ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin diyaarad gaar ah looga kireeyay dalka Kenya, taas oo la doonayo inay kasoo qaado Turkiga.

Shirkii uu iclaamiyay Farmaajo ee loo madalsanaa maanta oo ah 18, September, ayaan muuqan saansaantiisa, taas oo laga yaabo inay marmarsiyo ka dhigtaan sida ay sheegayaan caqabadda Fahad Yaasiin ka heysato in uu dib ugu soo laabto Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.