Raysal wasaare Shirdoon oo lagu soo dhoweeyay Kismaayo

Muqdisho (KON) Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubadda Hoose asaga iyo waliba wafdi uu hogaaminayo.
Warar Keydmedia Online
Raysal wasaare Shirdoon oo lagu soo dhoweeyay Kismaayo

Waxaa soo dhaweeyay Raysal wasaaraha Soomaaliya xubno ka tirsan xukuumadiisa oo ay ka midyihiin wasiirada arimaha gudaha iyo gaashaandhiga iyo sidoo kale Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta iyo sidoo kale masuuliyin ka tirsan maamulka KMG ee magaalada Kismaayo.

Raysal wasaaraha ayaa kulamo kala duwan la qaadan doono xubnaha maamulka KMG iyo sidoo kale odayaasha ku shiraya Kismaayo.

Maalmahan ayaa waxaa soo baxaye warar sheegaya in shirka magaalada Kismaayo ay la wareegayso dowladda Soomaaliya oo horay uqaadacday shirkaasi.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho