Reer goleedka Jubooyinka: Gaandi dhul kuma laha jubooyinka

JUBOOYINKA(KEYDMEDIA)Qaar ka mid ah qabaa’ilka Soomaaliyeed ee daga gobalada jubooyinka ee Dalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku eedeeyeen Ex pro Max’ed Cabdi Gaandi oo iminka isu caleema saaraya wakiilka dowlada Faransa ee Dhulka Soomaalida inuu doonayo u gacan galinta dhulka Soomaalida dowlada Faransa.
Warar Keydmedia Online
Reer goleedka Jubooyinka: Gaandi dhul kuma laha jubooyinka

ENG Yaraw oo ka tirsan dadka ka soo jeeda gobalada jubooyinka gaar ahaan deegaanada Gosha ah ayaa u sheegay Warbaahinta in Gaandi isaga oo aan dhul balaaran ku laheyn jubooyinka qabiil ahaan marka loo hadlayo oo isu caleema saaray madaxweyne gobaleed taasina waxa uu ku tilmaamay waali cad.

“Gaandi waa nin ogaadeen ah, qabiilkiisana Afmadow ayeey ka dagaan jubooyinka marka damaca waalida ah ha joojiyo, waayo gobaladaasi maamul u dhisidooda waxaa xaq u leh reer goleedka beeraha ku leh” sidaa waxaa yiri Eng yarrow.

Eedeynta uu Eng- Yarow  u jeediyay Gaandi hamigiisa ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xili Gaandi uu dhex fadhiyo fashil isla markaana ay u hir gali la’dahay riyadiisii aheyd in isaga oo ah wakiil Faransiis uu uga shaqeyn lahaa gobalada ummadda Soomaaliyeed ay leeyihiin ee jubooyinka.

WWW.KEYDMEDIA.NET