Ridwaan Xirsi: Farmaajo wuu fashilmay

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.

Warar Keydmedia Online
Ridwaan Xirsi: Farmaajo wuu fashilmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Midowga Musharixiinta ku shirsan Muqdisho, Ridwaan Xirsi ayaa sheegay in dalka uu ku jiro marxalad xasaasi ah, isagoo ku eedeeyay dowladda uu hogaamiyo Farmaajo fashil dhinaca amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, hirgelinta Federaalka iyo qabashadda doorasho qof iyo cod ah.

Isagoo saxaafadda kula hadlayay Jazeera hotel maanta, ayaa Afhayeenka dul istaagay dhamaan qodobadii uu Farmaajo ku fashilmay fulintooda mudadii uu xilka hayaya tan iyo 2017, kuwaasoo ahaa balan-qaadyo shacabka u sameeyay.

"Dalka waxaa ku habsadey fashil dhinaca siyaasadda, amniga iyo Federaalka oo u horseeday Farmaajo," ayuu yiri Ridwaan.

Afhayeenka ayaa ugu baaqey shacabka inaysan ku kedsoomin markale Farmaajo, maadaama uusan waxba ka qaban, balse uu dhibaato cusub geliyay wadanka, oo ay kamid yihiin khilaafka siyaasadeed iyo burburinta Maamul Goboleedyada.

Dhanka kale, Ridwaan ayaa shaaciyay in Maalin berri ah ay Musharixiinta soo gabagabeyn doonaan kulankooda 5ta maalin u socday, iyadoo laga soo saari doono war-murtiyeed ku qoran go'aannadii la gaarey.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.