Roob ka da’ay Xudur oo Khasaare geestay

Kismaayo (KON) - Waxaa Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ka dhacay Roob Xooggan oo khasaare badan geestey, waxaana ilaa iyo hada ku dhintay 1 Ruux.
Warar Keydmedia Online
Roob ka da’ay Xudur oo Khasaare geestay

Maxamed Cabdi Mayow oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in daadad xooggan oo ka dhashay roobka ay qaadeen Ari fara badan oo ay lahaayeen dadka deegaanka.

Maxamed Cabdi Mayow oo ah Guddoomiyaha gobolka Bakool ayaa sidoo kale sheegay in Suuqa Weyn ee Degmada Xudur ey Biyaha Gudaha u galeen, halkaansah khasaare badan ka dhashay.

Roobka oo saacadihii ugu dambeeyay ka da’ay degmada Xudur iyo nawaaxigeeda ayaa sidoo kale waxa uu sababay in ay xirman isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Keydmedia Online -Xafiiska Kismaayo




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.