Rooble oo rajo ka muujiyay shirka maanta

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay shirka maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo rajo ka muujiyay shirka maanta

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay shirka maanta ka furmay magaalada Muqdisho, isagoo ka hadlayay markii uu soo dhamaaday kulankii maanta waxa uu yiri:-

"Waxaa maanta si wanaagsan noogu furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka. Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan uga mahadcelinayaa ka soo qeyb galkooda. Waxaan rajeynayaa in uu Guul noogu dhammaado shirkan muhiimka u ah masiirka dalka".

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa la wareegay hogaaminta shirka, iyadoo 1-dii bishan uu Golaha Shacabka BJFS ka hor caddeeyay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday in uu arrimaha shirka iyo doorashadaba ku wareejiyay Ra'iisul Wasaare Rooble.

Beesha Caalamka, siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa dhammaan taageero u muujiyay, kuna garab istaagay doorka Ra'iisul wasaaraha.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.