Rooble ma hadalkii Dubbe ayuu ka raalli galiyay saraakiisha Kenya?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta la kulmay saraakiisha Kenya ee ku sugan Kismaayo kuwaas oo Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe uu hore ugu tilmaamay cadow soo duulay.

Warar Keydmedia Online
Rooble ma hadalkii Dubbe ayuu ka raalli galiyay saraakiisha Kenya?

KISMAAYO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, oo uu wehliyo Wasiirka Difaaca, Xasan Xaaji, ayaa maanta magaalada Kismaayo kula kulmay taliyayaal sar-sare oo ka tirsan ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Kenya ee ka howlgala Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

War ka soo baxay Xukuumadda ayaa lagu sheegay in Rooble kala hadlay saraakiisha Kenya arrimaha la xariira amniga doorashooyinka iyo iskaashiga ay la leeyihiin ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Rooble, Cismaan Dubbe, oo la aamnisan yahay inuu ku hadlo afka Farmaajo ayaa dhowr jeer saraakiishaan iyo ciidanka ay hoggaamiyaan ku tilmaamay cadow dalka ku soo duulay, halka taas baddalkeeda uu maanta Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad celiyay wax qabadkooda

Ciidamada Kenya ayaa duqeymo ay ku wax yeeleynayaan shacabka ka geysta degaannada Jubbaland, mana muuqato siyaasad degsan oo arrinkaas kaga qorsheysan Xukuumadda Rooble, oo dhowr jeer siyaabo kala duwan uga hadashay ciidanka Kenya.

Inkastoo xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal uu hadda soo hagaagayo, kaas oo markii hore u xumaaday dano gaaar ah oo ay ugu horreysay marmarsiyo aan jirin oo la xariiray arrinta gobolka Gedo, haddana Xukuumadda Rooble kuma guuleysan in ay soo bandhigto waxyaabaha lagala heshiiyay Kenya.

Bishii October, 2011-kii Dowladda Kenya ayaa si cad u jabisay baaq uu soo saaray Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay December 6, 2006, tirsigiisuna ahaa 1725, kaas oo qodobkiisa 4aad lagu xusay in Dowladaha xuduudda la leh Soomaaliya ciidamo ka socda inaan la geyn karin dalka.

Sida ay ogaatay Keydmedia Online, Rooble, wuxuu dhawaan u safri doonaa caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, halkaa oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha dalkaa Uhuru kenyaatta uu u soo diray casuumaad rasmi ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.