Rooble oo baaq u diray dadkii ka barakacay guryahooda

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isagoo la hadlaya dadkii shacabka ahaa ee dhawaan ka barakacay guryahooda ugu baaqay in ay dib ugu soo laabtaan xaafadahooda

Warar Keydmedia Online
Rooble oo baaq u diray dadkii ka barakacay guryahooda

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isagoo la hadlaya dadkii shacabka ahaa ee dhawaan ka barakacay guryahooda ugu baaqay in ay dib ugu soo laabtaan xaafadahooda, sidoo kalena wuxuu amar siiyay ciidamda ku sugan goobihii lagu dagallamay, isagoo faray in ay shacabka u ogolaadaan in guyahooda kusoo laabtaan

"Waxaan ugu baaqayaa dadkii ku barakacay qalalaasihii maalmahan ka jiray Muqdisho in ay guryahooda ku soo laabtaan. Ciidammada waxaan farayaa in ay shacabka u fududeeyaan in ay guryahooda iyo ganacsiyadooda ku soo noqdaan. Waxaa naga go’an in shacabkeennu helo nabad iyo xasillooni." ayuu yiri RW Rooble.

Dagaalladii toddobaadkan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa qoysas badani ka barakaceen degaannadoodii, degmooyinka ugu badan ee ay dadku ka barakaceen waxaa ka mida degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Wardhiigley, Cabdicasiis, Kaaraan iyo Yaaqshiid. Degaannadaasi waxa ka dhacay iska horimaadyo toos ah u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda oo qaar kamida ay daacad u yihiin Farmaajo, halka qaarka kalena ay kasoo horjeedaan muddo kororsiga.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].