Rooble oo ballan-qaad doorasho ka helay Qoorqoor

Ku dhawaad afar bilood ayaa kor loo yahay doorashada 54-ka kursi ee Aqalka sare, waana sabab kale, oo shaki xooggan galin karta xilliga lagu soo gunaanadayo 275-ka kursi ee Golaha Shacabka

Warar Keydmedia Online
Rooble oo ballan-qaad doorasho ka helay Qoorqoor

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya – Madaxweynaha dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’, oo hadal kooban ka jeediyay kulan lagu sagootinayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dhawaan gaaray Galmudug, ayaaa sheegay in Saddex maalin gudahood la guda galayo doorashada kuraasta Golaha shacabka ee BJFS.

Qoorqoor, wuxuu xaqiijiyay in doorashada Aqalka hoose, ay ku iba-furayaan shan kursi, wuxuuna guddiga doorashada ku amray in ay maantaba guda-galaan  oo ay soo saaraan , magacyada musharixiinta baratamaya.

"Galmudug Doorashada Golaha Shacabka wey galeysaa,  waliba waxaan rabaa halkaan in ka caddeeeyo,  shantii kursi ee ugu horeysay waa calaameysan yihiin waa la soo deynayaa, guddiyada doorashadana waxaan ka rabnaa berriba in ay iclaamiyaan, ugu badnaan saddex berri gudahood waxaa soo baxaya shan xubnood". Ayuu yiri Qoorqoor.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dhankiisa sheegay in safarkiisa Galmudug uu guul ku idlaaday, wuxuuna Madaxda Maamullada kale, ugu baaqay in ay 24 saaca gudahood, ku dhawaaqaan mid la ceyn ah go’aanka Galmudug.

“Howlihii aan u imid Galmudug ee arrinta doorashadu ugu muhiimsaneyd waxay ku dhammaadeen guul. Waan ku ammaanayaa madaxweyne Qoor Qoor in uu xilli dhow u qabtay bilaabista doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka, Dowlad goboleedyada kalena waxaan ka codsanayaa in ay dhaqso u bilaabaan”. Ayuu yiri, RW Rooble.

Shaki xooggan kama taagna xilliga la guda-galayo doorashada, hayeeshee, hubanti la’aanta ku aaddan waqtiga ay idlaaneyso, ayaa sababay walaac dal iyo dibad ah, kaas oo horseeday soo laba-kacleynta cadaadiskii Mucaaradka iyo Wakiillada Beesha Caalamka.

Ku dhawaad afar bilood ayaa kor loo yahay doorashada 54-ka kursi ee Aqalka sare, waana sabab kale, oo shaki xooggan galin karta xilliga lagu soo gunaanadayo 275-ka kursi ee Golaha Shacabka.

Galmudug waxaa laga soo dooran doonaa 37 kursi, [Golaha shacabka] oo ay u soo codeyn doonaan 3,737 ergo, kuwaas oo doorashadoodu ka dhaceyso saddex goobood, Dhuusamareeb [2] Gaalkacyo [1].

Qoorqoor, wuxuu xubnihii ugu badnaa u soo saaray Farmaajo, doorashooyinkii Aqalka sare, waxuuna mar kale u biratumanayaa inuu kuraasta Golaha shacabka u boobo shaqsiyaad ku dhawaad shanti sano ee la soo dhaafay adeegayaal u ahaa Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 December 2021 10:33

Tallabooyinkaan oo dhan waxa ay daaha ka qaadayaan in Mareykanku ka cagajiidayo xasillinta siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, isla-markaana uu baasiin xaaladda ku sii bilbilayay ku dhawaad shanti sano ee la soo dhaafay, si uu difaac ugu noqdo Fahad Yaasiin.