Rooble oo dhagax dhigay dhismaha Garoon diyaaradeed

Safarka Ra'iisul Wasaaraha ayaa ahaa xalinta khilaafka ka taagan Doorashooyinka, iyadoo uu kusoo fashilmay socdaalkii Puntland uu ku tagey Jimcihii lasoo dhaafay.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo dhagax dhigay dhismaha Garoon diyaaradeed

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa shalay gelinkii dambe dhagax dhigay dhismaha Garoonka diyaaradaha magaaladda Dhuusamareeb, ee Caasimadda Galmudug halkaasoo uu u joogo arrimaha doorashadda.

"Farxad ayay ii ahayd in aan galabta dhagax dhigo dhismaha garoonka diyaaradaha caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb,tan oo qeyb ka ah kaalinta DFS ka geysaneyso horumarinta Galmudug. Waxaan ku boorrinayaa ganacsatada reer Galmudug in ay gacan ka geystaan horumarinta deegaannadooda," ayuu yiri Rooble.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.