Rooble oo fuliyay tallaabo qeyb ka ah dalabka Mucaaradka

Musharixiinta ayaa dalbadey in la kala diro Gudiga, kadib markii uu la saftay Madaxtooyadda, oo uu qeyb ka noqdey boobka kuraasta Gollaha Shacabka.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo fuliyay tallaabo qeyb ka ah dalabka Mucaaradka

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa Maanta oo Sabti ah soo saarey go'aan uu xilka uga qaadey 7 xubnood, oo kamid ahaa Gudiga Xalinta Khilaafka doorashadda.

Waxaa lagu eedeeyay xubnaha la eryay inay jebiyeen dhex-dhexaadnimada Gudiga, islamarkaana ay ku milmeen siyaasadda, waxayna noqdeen kuwa u adeega Farmaajo iyo Fahad Yasin.

Go'aankan ayaa yimid markii Rooble Xalay aaladda Zoom-ka kulan kula yeeshay Midowga Musharixiinta iyo Madaxda Maamulada, kaasoo looga hadlay sixida qaladaadka doorashadda.

Hoos ka akhriso magacyada Xubnaha laga saarey Gudiga iyo kuwa lagu bedelay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.