Rooble oo guddi u magacaabay baarista afgenbigii Farmaajo

Guddiga ayaa la faray, in ay xog sugan ku keenaan, muddo asbuuc ah, taas oo meesha ka saareysa inuu la mid noqdo, guddiyadii aan natiijada lahayn ee hore loo magacaabi jiray.
 

News Keydmedia Online
Rooble oo guddi u magacaabay baarista afgenbigii Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa magacaabay guddi baaraya isku dayga afganbigii dhicisoobay, ee madaxtooyada ka dhacay Isniintii aynu ka soo gudubnay.

Toddobaadkii hore ayey ahayd, markii uu hoggaanka waqtigiisu dhamaaday, ku dhaqaaqay tallaabo la yaab leh, taas oo uu ku doonayo inuu ku afganbiyo nidaamka dowladnimo ee dalka.

Ra'iisul Wasaaraha dalka oo dhacdadaas doonaya inuu ka daba tago, ayaa magacaabay guddi baaris ku sameeya, qaabkii uu u dhacay isku deygaasi fashilmay iyo cida leh masuuliyada ugu weyn ee dhacdadaasi.

Guddiga uu magacaabay Rooble, ayaa waxaa ka dhex muuqda, xubno ka tirsan  gollihiisa wasiiradda oo ay ku jiraan saraakiil ciidan, iyadoo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga oo saaxiib dhaw la ah Ra'iisul wasaaraha dalka, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Xubnaha guddiga la magacaabay ayaa kala ah, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga, Cabdullaahi Maxamed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Wasiirka Waxbarashada, Gen Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiiru-dowlaha Hawlaha Guud, Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha.

Guddiga ayaa la faray, in ay xog sugan ku keenaan, muddo asbuuc ah, taas oo meesha ka saareysa inuu la mid noqdo, guddiyadii aan natiijada lahayn ee hore loo magacaabi jiray.

Saraakiil badan oo qeyb ka ahaa, inqilaabkii dhicisoobay, ayaa la filayaa in toddobaadyada soo aaddan la kulmaan xil ka qaadis iyo darajo ka xayuubin, waxaana la arkayaa qaar ka mid ah oo durba raba in ay dalka ka baxaan, inkastoo garoonka diyaaradaha la dhigay awaamiir  safaradooda lagu hakinayo.

Magacaabista guddiga ayaa cabsi badan ku beertay Farmaajo, kaas oo iminka ku go'doonsan xarunta madaxtooyada, maadaama uu soo cidleeyey saaxiibkiisa siyaasadeed ee Fahad Yaasiin, oo ah ninks sida dhabta ah, qorshaha afganbiga uga dhaadhiciyey Farmaajo, oo ku qanciyey in ay u suura galeyso.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
News 25 June 2022 15:14

The MP from the semi-autonomous state of Jubaland was chosen earlier this month by President Hassan Sheikh Mohamud, who was elected by parliament in May after a long-delayed and stormy voting process.