Qoor-Qoor oo loogu baaqay in uu soo gudbiyo xubnaha guddiga doorashada

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa ka codsaday madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor inuu soo gudbiyo liiska magacyada xubnaha guddiga doorashooyinka ku matalaya Galmudug.

Warar Keydmedia Online
Qoor-Qoor oo loogu baaqay in uu soo gudbiyo xubnaha guddiga doorashada

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida uu sheegay Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Mucallimuu, Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka codsaday madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Qoorqoor inuu soo gudbiyo magacyada xubnaha guddiga doorashooyinka ku matali lahaa Galmudug.

Qoorqoor oo ah madaxweynaha kaliya ee aan gudbin magacyada xubnihii guddiga doorashooyinka ee lasoo celiyay kuwaasoo la doonayay in lasoo baddalo, waxaana ilaa iyo hadda uusan soo gudbin xubnaha labada guddi ee kala ah guddigii doorashooyinka iyo kan xallinta khilaafaadka.

Maxamed Ibraahim Mucallimuu ayaa sheegay goor dhaw in RW Rooble iyo guddigii loo xil saaray cabashada xubnaha guddiga ay si wada jir ah uga codsanayaan Qoorqoor inuu soo gudbiyo liiska magacyada xubnahaasi.

"Dowlad-goboleedyada inta badan wey u soo gidbiyeen Ra’iisul Wasaaraha liiska wax ka baddelka Guddiyada Doorashooyinka ee dib loo eegay. Waxaa weli laga war dhowrayaa Dowlad Goboleedka Galmudug oo ah Dowlad Goboleedka kaliya ee aan weli soo dirin.

Maadaama waqtigu uu soconayo, shacabka Soomaaliyeedna ay doonayaan in la dardargaliyo howlaha hirgalinta doorashooyinka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo guddiga heer Wasiir ee uu magacaabay waxa ay ka codsanayaan Madaxweyne Ahmed Cabdi Kaariye inuu si dhaqso ah u soo gudbiyo liiska xubnaha Galmudug ee laga sugayo muddada todobaadka ah" ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Mohamed Ibrahim Mucallimuu.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.