Rooble oo ka tacsiyeey geerida Wariye Cabduqaadir Mursal

Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeey Geerida ku timid Wariye Cabduqaadir Mursal

Warar Keydmedia Online
Rooble oo ka tacsiyeey geerida Wariye Cabduqaadir Mursal

“Allaha u naxariisto saxafigii weynaa marxuum Cabdulqaadir Maxamed Mursal oo ku geeriyooday dalka Mareykanka, waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, bahda saxaafadda iyo Shacabka Soomaaliyeed" ayaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra'isul Wasaaraha. 

"Marxuum Mursal waxa uu kaalin weyn ka soo qaatay horumarinta saxaafadda Soomaaliyeed" Ayuu yiri Rooble. 

Wariye Cabdikhaadir Maxamed Mursal oo kamid ahaa weriyayaasha ruug caddaaga ahaa ee muddada dheer ka howl-galayay saxaafadda Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.