Rooble oo kulankii 2aad la yeeshay Musharixiinta

Waxaa kulanka maanta lagu dhameystirayaa qodobada heshiiskii hore ee la gaaray 25-kii bishii lasoo dhaafay.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo kulankii 2aad la yeeshay Musharixiinta

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulan u dhaxeeya Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble [Rogane], ayaa maanta kulan kula yeeshay Decale hotel Midowga Musharixiinta, oo ay kamid yihiin Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo Xasan Cali Khayre.

Xafiiska Rooble qoraal uu soo saarey ayaa lagu sheegay in shirka lagu dhameystirayo heshiiskii 25-kii Febuary labada dhinac ay wada gaareen, kaasoo qeyb ka ah in Mushariixiinta lagu biiriyo wadahadallada doorashadda.

Musharixiinta waxay sidoo kale dalbadeen in loo ogolaado qabashadda banaanbax nabdoon, kaasoo Xukuumadda ay ka aqbashay, laakiin sharuud looga dhigay inay Ciidanka DF ilaaliyaan amaanka.

Waxay Xukuumadda raali-gelin ka bixisay weerarkii lagu qaadey Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif 18-kii Feb iyo weerarkii banaanbaxayaasha 19-kii Feb, kaasoo ugu yaraan 5 qof lagu dilay.

Farmaajo ayaan marna ka hadlin si toos ah dhibaatada ka taagan dalka, waxaana aamusnaantiisa loo fasiray inuu raali ka yahay fowdada, doorasho la'aanta iyo khilaafka siyaasadeed inuu sii socda, si kursiga ugu sii fadhiyo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.