Rooble oo la filayo in uu Maanta ku dhawaaqo Gollaha Wasiirada

Madaxweynaha JFS, Ra'iisulwasaaraha Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa marlabaad kulan saddex geesood ah ku yeeshay Villa Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo la filayo in uu Maanta ku dhawaaqo Gollaha Wasiirada

Kadib kulano Madaxweynaha JFS, Ra'iisulwasaaraha Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ay marlabaad Xalay ku yeesheen Madaxtooyadda, waxaa Maanta oo Sabti ah la filayaa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada. 

Macluumaad ay Keydmedia Online heshay, ayaa sheegaya in Ajandaha Kulanka uu ahaa magacaabista Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda. 

Rooble ayaa la filayaa in uu Maanta oo Sabti ah ku dhawaaqo Golihiisa Wasiiro ee 'Cusub', inakasto Wasiiradda inta badan ay noqon doonaan kuwii Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xasan Cali Kheyre. 

Keydmedia Online ayaa hore usoo qortay in is-mari waa uu ka jiro magacaabista Golaha Wasiirada ee la doonayo in uu soo magacaabo Ra'iisulwasaare Rooble oo haysta muddo xileed aad u yar, culeyska ugu badan wuxuu ka jiraa ballan-qaadyo loo sameeyay qaar kamida xubnaha wasiirada ee imika sii haya shaqada horayna u ahaa wasiirro kuwaasoo loo ballan qaaday in aysan dhaceen, oo dib loo soo celin doono.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.