Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha Booliska iyo AMISOM

Kulankooda ayay uga hadleen arrimo badan oo ay kamid yihiin, fududeynta iyo amniga doorashada aqalka sare ee Somaliland oo toddobaadkan bilaabaneysa.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha Booliska iyo AMISOM

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay Taliyaha booliska Soomaaliya, taliska booliska AMISOM iyo guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi.

Kulankooda ayay uga hadleen arrimo badan oo ay kamid yihiin, fududeynta iyo amniga doorashada aqalka sare ee Somaliland oo toddobaadkan bilaabaneysa.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray saraakiisha kala duwan ee ciidamada, inay dardar geliyaan howlaha sugida amniga doorashooyinka Aqalka Sare ee gobolada Waqoogi.

Berri oo ah Isniin ayaa la filayaa in musharraxiinta Aqalka Sare ee Somaliland ay jeediyaan khudbadahooda, doorashada 11-ka senatar ee Aqalka Sare gobolada Waqooyi ayaa socon doonta, muddo saddex cisho oo ka bilaabata maalinta Talaadada oo ku beegan 28-ka bishan illaa Khamiista 30- bishan.

Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa sugi doona ammaanka goobta ay ka dhici doonto doorashada  xubnaha Aqalka sare ee Somaliland.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.