Rooble oo la kulmay Warbaahinta iyo Dagaalka DF ay ku hayso Saxaafadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Rooble “Rogane” ayaa kulan la qaatay madaxda Warbaahinta ka howl-gasha magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo la kulmay Warbaahinta iyo Dagaalka DF ay ku hayso Saxaafadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulanka oo u jeedkiisu ahaa iska-warqaadasho oo madaxda warbaahinta iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa looga hadlay arimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Waxay isla meel dhigeen muhiimadda ay warbaahintu leedahay xilligan kala guurka, isagoo RW Rooble Madaxda Warbaaahinta ku boorriyey in ay xoojiyaan doorkooda wacyiginta bulshadda.

Qoraal uu soo saarey xaafiiska RW ayaa lagu yiri, “Suxafiyiinta Soomaaliyeed waxay kaalin mug leh kasoo qaateen dhismaha dowladnimada, Nabadeynta, Wargelinta iyo Wacyigelinta bulshadda, howshaas oo ay dhimasho & dhibaatooyin kale kala kulmeen".

Ra’iisul Wasaaraha oo dhawaan ku dhawaaqay in dalka ay ka bilaabaneyso doorashada uu muran ku ka taagan yahay, ayaa sidoo kale ugu baaqay Saxaafaddu in ay xilligan adag ka qeyb qaadato jihaynta bulshadda.

“Xilligan oo dalku doorasho galayo, waxaan ku dhiirrigalinayaa in ay doorkooda ka qaataan jiheynta iyo xogsiinteeda bulshadda,: ayuu yiri Rooble “Rogane”.

Dagaalka DF ee ku hayso Saxaafadda

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyene Farmaajo ayaa Dagaal adag ku haya Saxaafadda tan iyo markii uu talada dalka la wareegay, waxaana xusid mudan in wariyeyaal badan ay dalka isaga hayaameen kadib tacadiyo loo geystay.

Kulanka Rooble uu la yeeshay Saxaafadda micno ma sameynayo inta Dowladda ay sii wado cadaadiska ay ku heyso Saxaafadda. 

Suxufiyiinta ayaa ku shaqeynaya Cadaadis iyo Weeraro lala beegsado, iyadoo dowladda sanadkii lasoo dhaafay meel-marisay xeer cusub oo lagu caiqaabayo wariyihii sheega war aan raali-gelinaynin Maamulka Farmaajo, oo waqtigiisa sii dhamaanayo.

Waxaa nasiib darro lagu tilmaamay in suxufiyiinta ay si joogto ah la kulmaan hanjabaado iyadoo dalka u diyaar garoobeyso doorashada guud, islamarkaana saxaafad xor ah ay tahay habka keliya ee lagu xaqiijin karo doorasho xor iyo xalaal ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.