Rooble oo loo gudbiyay liiska shakhsiyaadka laga reebayo guddiga

Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa loo gudbiyay liiska xubnaha cabashada laga keenay ee ku jira guddigii doorashada ee heer federaal iyo heer goboleed

Warar Keydmedia Online
Rooble oo loo gudbiyay liiska shakhsiyaadka laga reebayo guddiga

MUQDISHO, Soomaaliya - RW Rooble ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay Liiska xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka iyo ciidaka Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA kuwaasoo kamid ahaa guddigii doorashada ee horay loo gudbiyay.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan midowga musharaxiinta, waxa uuna kala hadlay arrinta ku saabsan qaar kamida xubnaha guddiga oo cabasho laga keenay.

Madaxweynihii hore ee JFS Xasan Sheekh Maxamuud kana tirsan Golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa bartiisa Facebook -ga kula wadaagay natiijada kulankii maanta iyo waxyaabihii ay kala hadleen Ra'iisul Wasaaraha.

"Waxaan maanta kulan miro dhal ah la qaadanay Ra'iisul Wasaaraha xukummaadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Waxaan ka wada hadalnay dadaallada socda ee lagu dardargelinayo hirgelinta doorashooyinka, innaga oo la wadaagnay liiska xubnaha guddiyada doorashada ku jiray ee sharcigu ka reebayo inay qeyb ka ahaadaan maamulka doorashada" ayuu yiri mudane Xasan Sheekh Maxamuud

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.