Rooble oo loo xiray waddo muhiim ah

Cadceedda oo aad u kulul ayeey shacabka lugeynayaan, waxaana meelaha xiran aan mari karin gaadiidka dadweynaha

Warar Keydmedia Online
Rooble oo loo xiray waddo muhiim ah

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay xireen qeybo ka mid ah wadada Makka Al-mukarrama iyo jidadka soo gala waddooyinkaasi.

Sababta loo xiray ayaa ah in RW Rooble uu booqanayo xarunta wasaaradda Beeraha oo ku taalla nawaaxiga KM-4, halkaasi oo dhowaan dib loo dhisay.

Cadceedda oo aad u kulul ayeey shacabka lugeynayaan, waxaana meelaha xiran aan mari karin gaadiidka dadweynaha.

Rooble oo sheegayey inuu waddooyinka u furayo ardayda, hooyinka masaakiinta ah, ayaa maalintii Saddexaad shacab dhibban ka xiranaya wadada.

Waa nidaam ku raagay Soomaaliya, in mas’uul haddi uu meel booqanayo loo xitro dhammaan waddooyinka.

Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahan kuwa Muqdisho oo canshuur bixiyeyaa ah ayaan helin xuquqdoda, taasi bedalkeedana waa lagu tuntaa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.