Rooble oo loogu baaqay inuu wax ka qabto cabashada bahda waxbarashada

Bahda waxbarashada ayaa maanta war saxaafadeed ay soo saareen waxay kaga cabanayeen culeyska kaga yimid dhinaca wasaaradda maaliyadda, RW Rooble ayaa loo gudbiyay cabasho ku aaddan arrintaasi.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo loogu baaqay inuu wax ka qabto cabashada bahda waxbarashada

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabasho xoog leh ayaa kasoo yeertay bahda waxbarashada, gaar ahaan ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed, waxay ka cabanayaan hab-dhaqanka Waaxda Canshuuraha Bariga ee Wasaarada Maaliyadda.

Waxaa marag madoonto ah doorka ay ka qaateen Jaamacadaha dib u dhiska dalka, weliba iyadoo ay jirto in dowladda Soomaaliya aysan wax qarash ah ku bixin Jaamacadaha iyo guud ahaan waxbarashada iyo adeegyada bulshada. Sidaas oo ay tahay waxaa ugu sii darsamay duruufihii uu sababay Caabuqii CIVID-19 kaas oo keenay in uu hoos u dhac ku yimaado guud ahaan dakhliga dalka gaar ahaan kan bahda waxbarashada maadaama ay noqdeen kuwa kaliya ee dhawr mar la faray in ay goobaha waxbarashada xiraan.

Iyadoo loo mari karo wax kasta oo ku saabsan Wasaaradda Waxbarashada oo iyadu ku shaqa leh arrimahaasi ayey si toosa Wasaaradda Maaliyadda adeegsatay  ciidammo loo diray xarumaha waxbarasha si loo soo xirxiro Macalimiinta iyo Maamulka Jaamacadaha.

"Bahda waxbarashada waxay ku soo shaqeeyeen, welina ku shaqeeyaan is xilqaan ay wehliso duruufo adag oo amni, dhaqaale la’aan iyo cudurka safmarka ah ee Karoonaha oo si wayn u saameeyey aradayda iyo hay’adaha waxbarashada intaba. Canshuurta ku soo boodada ah oo baad ahaanta loo qaadayo sidii Al-Shabaabkii, gaar ahaan xlliyada kala guurka ah waxay sababaysaa oo keli ah in uu shacabku dawladnimada ka fogaado” ayuu yiri hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamida mas'uuliyiinta baaqa usoo jeediyay RW Rooble.

Waxaa baaq loo diray Raysul Wasaaraha xukuumada xil gaarsiinta in uu si deg-deg ah arrinkan u soo farageliyo, qeylada kasoo yeertay bahda waxbarashada keliya kuma koobna, waxaa horay dhibaatooyin taagan iyo gabood-fallo loogu geystay ganacsatada labada jeer la canshuuro ee dalka ku dhaqan waxna aan loo qaban!

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.