Commment:

Rooble oo Muqdisho ka bilaabay ololaha doorashada Farmaajo

Rooble ayaa sameeyey wixii ay markii horeba shacabki ay ka maleysanayeen.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo Muqdisho ka bilaabay ololaha doorashada Farmaajo

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo markii horeba la aaminsanaa inuu yahay shaqsi meesha loo keenay sidii uu u fulin lahaa danaha Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah arrintaasi banaanka u keenay.

Waxa uu ka qeybgalay xaflad la sheegay in loo dhigay dhagxaan laga qaaday waddooyinka Muqdisho, taasi oo dad badan amakaag ku noqotay.

Rooble ayaa sheegay in guul ay tahay in la furo waddooyinka, laakiin isma aanu weydiin dhagxaantaan la qaaday in markii horeba uu Farmaajo dhigay.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dadka aysan caafimaad, waxbarasho iyo adeegyada asaasiga ah, taasi oo loo qaatay in doorashada Dambe haddii Farmaajo la doorto waa la qaban doonaa.

Rooble ayaa khudbaddii maanta uu jeediyey isaga ula muuqatay mid uu kusoo jiidanayo qalbiyada shacabka Soomaaliyeed, laakiinse shacabka oo ka dheragsan dhagarta dowladda Farmaajo ayaa durba hadalladan fahmay halka loo waddo.

Shacabka dhagxaan kaliya dhib kuma aanay qabine, ee waxay dhib weyn ku qabaan tayo xumada dowladda waqtigeedu dhammaaday ee Farmaajo.

Dhagxaan uu Farmaajo isku ilaalinayey Afar Sano, ayaa markii uu ogaaday in waqtiga kursigiisa uu dhammaaday ku raadinaya naxariis iyo soo jiidasho.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.