Rooble oo naf ka raadiyay Kudlada musharaxiinta Dhexdhexaadka

Ra'iisul Wasaaraha xil gaarsiinta ah ee Xukuumadda Soomaaliya Rooble markii uu ku fashilmay ka miro dhalinta shirarkii golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha ayuu xeelad kale billaabay!

Warar Keydmedia Online
Rooble oo naf ka raadiyay Kudlada musharaxiinta Dhexdhexaadka

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisulwasaaraha xil gaarsiinta ah ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamida musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya 2021.

Horay ayuu Rooble ula kulmay Gole ay ku mideysan yihiin musharaxiin miisaan ku leh bulshada Soomaaliyeed, waxaana uu laba jeer kula kulmay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, isagoo kulankii saddexaad markii loo fariistay saxiixa qodobadii lagu heshiiyay ayuu sheegay Rooble inuusan awood u laheen mid kamida qodobadii ay soo gudbiyeen xubnaha golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha taasoo uu qiray in uusan awood buuxda u laheen fulinta heshiiskaas.

Rooble oo u muuqda inuu maaweelinayo bulshada Soomaaliyeed wuxuu maanta shir heerkiisu hooseeyo la yeeshay xubno kale oo ka tirsan musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya kuwaasoo horay ula baxay kudlada musharaxiinta dhexdhaxaadka ah!

RW Rooble oo kamida dadka aaminsan in mar kale uu soo laabto Farmaajaha waqitgiisu dhammaaday ee xukunka isku dhajinaya ayaa wuxuu marba marka ka dambeysa isku dayayaa inuu qaado tallaabo uu isleeyahay waad ugu sii seeta-dheereen kartaa xukunka iyo talada madaxweyne Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.