RW Rooble iyo safiirka UK oo wadahadlay

Kulanka Ra'iisul Wasaare Rooble iyo safiirka Ingiriiska u fadhida Soomaaliya, waxaa kale oo ku wehlinaayay, Wasiirka cusub ee wasaaradda Amniga Cabdullaahi Mohamed Nur iyo la taliyaha Amniga ee Ra’iisul Wasaare Rooble Abdi Diirshe.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble iyo safiirka UK oo wadahadlay


MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku qaabilay xafiiskiisa safiirka Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Kate Foster.

Kulanka waxaa ku wehlyay Wasiirka cusub ee Amniga Cabdullaahi Mohamed Nur iyo la taliyaha Amniga ee Ra’iisul Wasaare Rooble Abdi Diirshe.

Waxay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo habsami u socodka iyo amniga doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra'iisul Wasaare Rooble.

Safiirka Ingiriiska u joogta Soomaaliya ayaa dhinaceeda bogaadisay sida uu Ra’iisul Wasaaraha ay uga go’an tahay dardargelinta doorashooyinka dalka.

Khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, ayay ka walaacsan tahay beesha caalamka iyo QM, taasi oo ay ku tilmaameen mid qalalaaso cusub u horseedi karta dalka hadii aanan heshiis laga gaarin waxa la kala tabanaayo.

Isku dhaca Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaday ee Farmaajo ayaa sabab u ah kiiska Ikraan Tahliil oo uu Rooble caddaalad ugu raadinaayo qoyskeeda,

Dhan kale, Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo uu Fahad isku dayayo in uu gaashaan uga noqdo dambiyada ka dhanka ah xuquuqda Aadanaha ee lagu eedeynayo oo uu qeyb ka yahay Kiiska Ikraan Tahliil. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.