Rooble oo u kuur-galay howlaha Garoonka

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay xil weyn iska saarayso sidii loo horumarin lahaa garoonka, maadaama Soomaaliya ay soo kabanayso, duulimaadyaduna maalin walba ka sii kordhayaan intii hore.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo u kuur-galay howlaha Garoonka

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta kormeer ku tagey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, isagoo u kuur galayay howlaha shaqo ee ka socda.

Wuxuu la kulmay shaqaalaha waaxda duulista dowladda intii uu ku guda-jiray kormeerka qeybaha kala duwan oo ay ka mid yihiin duulista, saadaasha hawada iyo Socdaalka. Isagoo xog wareystay dad ku qornaa safar oo xiligaas loo adeegayay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.