Rooble oo wax badan ka bedelay siyaasaddii Farmaajo ee Kenya

Wuxuu Rooble si deg deg ah usoo celiyay xiriirka diblomaasi ee Kenya, isagoo furay safaaradii Soomaaliya ee Nairobi.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo wax badan ka bedelay siyaasaddii Farmaajo ee Kenya

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo ayaa xafiiskiisa ku booqday Maanta Ra'iisul Wasaare Rooble, iyagoo kawada hadlay arrimo ku saabsan soo celinta xiriirka labada dal iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya.

Lucas Tumbo ayaa uga mahadceliyay Rooble isbedelka uu ku sameeyay siyaasadii Farmaajo ee ku wajahnayd Kenya, taasoo uu sheegay inaysan labada dal faa'ido ugu jirin balse uu dhaawacayay ganacsiga iyo isdhexgalka labada shacab.

Mudo lix bilood ayuu xumaa cilaaqaadka labada dowladood, iyadoo dib uu usoo celiyay Rooble markii talada dalka la wareegay, oo Farmaajo meesha ka baxay, waxaana tallaabooyinkii uu qaadey Ra'iisul Wasaaraha soo dhaweeyay shacabka Soomaaliyeed.

Ma jirin sabab uu Farmaajo u jaray xiriirka aan ka ahayn inuu olole doorasho ka dhiganayay, waxaana qorshihiisa uu noqday mid dhicisoobay, oo Rooble uu ka daba tagay, waxaana dib loo soo celiyay xiriirkii dibadda uu qaribay Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaaday.

Rooble ayaa dib u furay safaaradda Soomaaliya ee Kenya, oo adeegyo muhiim ah u haysay dowlada iyo Soomaalida ku nool dalkaas, isagoo dhanka kale dib usoo celiyay Safiirkii Kenya Lucas Tumbo oo lix bilood kahor Farmaajo dalka ka eryay.

Kenya waxay kamid tahay dalalka Ciidanka ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana askarteeda ka howlgalaan Jubbaland, gaar ahaan qeybo kamid ah Gedo iyo Jubbada Hoose, inkastoo lagu eedeeyay dilalka dad shacab ah, haddana waxay la dagaalamayaan Al-Shabaab, oo khatar ku ah amniga qaranka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.