Rooble ‘Rogane’ oo maanta la kulmaya Musharaxiinta

Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Midowga Musharixiinta ayaaa  maanta ku kulmaya magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Rooble ‘Rogane’ oo maanta la kulmaya Musharaxiinta

MUQDISHO, Soomaaliya – Ergo ka socotay RW Rooble ‘Rogane’ oo ay hoggaaminayeen Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor, Madaxweynaha HirShabeelle Guudlaawe, iyo Sanatar Cabdi Qeybdiid ayaa xalay ku guuleystay dadaal badan kadib in  ay labada dhibac isku soo dhaweeyaan.

Sida ay Keydmedia Online u xaqiiyeen xubno ka tirsan Ergada waanwaanta wadda, waxaa maanta kulan qado ah Hotelka Decale ku yeelan doonaan Midowga Musharaxiinta, Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha, iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle.

Midowga Musharaxiinta oo si adag uga biya diidsanaa la kulanka Rooble ‘Rogane’ ayaa Ergada xalka raadineysay hor dhigay saddex qodob oo kala ah

In Xukuumaddu cambaareyso, raalli gelin laga bixiyo wixii dhacay Jimcihii la soo dhaafay ee 19 Febraayo, markaas oo si aan wanaagsaneyn loola dhaqmay Midowga Musharaxiinta.

In Farmaajo iyo kooxdiisu ogolaadaan bannaan-baxa iyo in shirarka wadatashiga Qaran ee loo ballan sanyahay laga qeyb geliyo Golaha Midowga Musharaxiinta.

Sida ay sheegayan ilo xog ogaal ah oo ay KON heshay Rooble Rogane wuxuu ka tanaasulay labo qodob halka midka kale uu ka cudur daaratay uuna sheegay in uu ku xiran yahay Madaxweynaha waqtigu ka dhaamaday ee Farmoojo.

Rooble ayaa si hoboon uga hadlin qalalaasihii Muqdisho ka dhacday Jimcihii tagay mar uu arrintaas ka hadlayay, sida ay aamnisan yihiin Midowga Musharaxiinta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.