Rooble ‘Rogane’ oo marin habaabiyay arrinta dhalinyarada maqan

Ra’iisul Wasaaraha Xil-gaarsiinta Rooble, ayaa u istaagay marin habaabinta, arrinta dhalinyarada loo qaaday Eritrea, wuxuuna magacaabay guddi la rumeysan yahay in uusan dhexdhexaad ahayn, oo u badan kooxda Farmaajo.  

Warar Keydmedia Online
Rooble ‘Rogane’ oo marin habaabiyay arrinta dhalinyarada maqan

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiin Soomaaliyeed, kuwaas oo aan caruurtooda raq iyo ruux midna heyn in muddo ah.

Guddiga uu magacaabay RW Rooble, ayaa dhamaantood ah musuuliyiin ka tirsan Dowladda, waxayna magacaabiddaan u muuqataa mid lagu marin habaabinayo, waalidiinta laguna sii jeedinayo indhaha shacabka Soomaaliyeed.

Guddigaan oo ka kooban Shan xubnood, ayaa kala ah;

  1. Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Gaashaan-dhigga XFS.
  2. Mukhtaar Xaseen Afrax, Wasiirka Arrimaha Gudaha.
  3. Danjire Cabdullahi Axmed Jaamac, Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya.
  4. Gen, Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidan xoogga dalka.
  5. Maxamed Ibraahim Mucalimuu, Afhaneenka Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Rooble, wuxuu iska indha tiray in guddiga ay iska dhex doorteen waalidiinta inuu ku soo daro guddiga barista, wuxuu dafiray mudnaanta gudiyada ammaanka iyo xaquuqul iinsaanka ee labada gole ee Baarlamanka, wuxuu sidoo kale xaqiray Ururada Bulshada.

Waraaqdaan waxa ay u muuqataa mid ka soo baxaday Xaafiiska maxaweynhihii waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, hayeeshee la soo dhex marsiiyay Xaafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.