Rooble xaq uma laha inuu maamulo kuraasta Soomaaliland - Cabdi Xaashi

Mid ka mid ah arrimaha ugu adag hirgalinta hannaanka doorashooyinka ayaa la rumeysan yahay in ay tahay arrinta muddada soo jiitameysay ee doorashada kuraasta Soomaaliland.

Warar Keydmedia Online
Rooble xaq uma laha inuu maamulo kuraasta Soomaaliland - Cabdi Xaashi

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Siyaasiyiinta Soomaaliland (Somali Political Council) ee uu hoggaanka u yahay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdilaahi, ayaa mar kale ka hor yimid qodobada habraaca doorashada Aqalka Sare, gaar ahaan kuraasta Soomaaliland.

Waxa ay soo dhaweeyeen in doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland la waafajiyey habraacyadii 2016 oo maamulkeeda iyo go'aan ka gaaristeeda loo daayey Hoggaamiyayaasha Siyaasadeed iyo dhaqanka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi Somaliland. Hayeeshee, waxaa y ka soo horjeesteen qaar ka mid ah qodobada habraaca.

“Gudiga Doorashada Somaliland ee SEIT wuxuu u kala qaybsan yahay laba dhinac oo leh laba gudoon, sidaas darteed iyada oo aan la xallin oo la mideyn guddoonka Guddiga ma dhici karto doorashada Aqalka Sare iyo tan Golaha Shacabka toona”. Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay GARABKA Cabdi Xaashi.

Waxa ay sheegeen in Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya uusan xaq u lahayn in uu kuraasta Somalialnd iyo kuwa banaadiriga u maamulo si ka duwan sida uu u maamulayo doorashada guud ee Dalka.

Waxa ay hoosta ka xariiqeen in doorashada kuraasta Golaha shacabka ee Gobollada Waqooyi ay saldhig u yihiin odayada dhaqanka ee ku jira 135-ka oday, sida xulista ergada iyo astaynta qoondada kuraasta haweenka.

“Sidii aan marar badan hore u caddeynay, hirgelinta habraacyada iyo maamulka doorashada waxaa hagaya hogaanka siyaasiyiinta ka soojeeda Somaliland oo isu dhan si waafaqsan habraacii doorashadii 2016 kii. Sidaa awgeed, xafiiska RW xaq uma lahan in uu kuraasta Somalialnd iyo kuwa banaadiriga u maamulo si ka duwan sida uu u maamulayo doorashada guud ee Dalka”. Ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Mid ka mid ah arrimaha ugu adag hirgalinta hannaanka doorashooyinka ayaa la rumeysan yahay in ay tahay arrinta muddada soo jiitameysay ee doorashada kuraasta Soomaaliland.

Kooxda Farmaajo ayaa labo garab u kala jabisay siyaasiyiinta Soomaaliland, waxaana garab ka mid ah siyasiyiinta hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare ku xigeynka dalka Mahdi Guuleed, oo ku daaban Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.