Rugta ganacsiga iyo warshadaha DG Hirshabeelle oo ka hor timid wareegtadii DF

Rugta Gacansiga iyo Warshadaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ka hor timid wareegto kasoo baxday xafiiska wasaaradda Ganacsiga Dowladda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Rugta ganacsiga iyo warshadaha DG Hirshabeelle oo ka hor timid wareegtadii DF

JOWHAR, Soomaaliya - Warsaxaafadeed ay soo saareen Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee fadhigoodu yahay xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeele ee Jowhar ayaa waxay kaga soo horjeesteen kala diristii Wasaaradda Ganacsiga dowladda Soomaaliya ay ku sameysay Rugta Ganacsiga Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu yiri "Waxaan taageersanahay kuna kalsoonahay Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, waana mid ka madax bannaan wasaarada ganacsiga Soomaaliya"

Dowladda Soomaaliya ayaa kala dirtay maamulkii gurga ganacsiga iyo warshadaha, iyadoo magacowday xubno cusub oo guddigaas uu yeelano, iyadoo maalin kaddib xubnihii loo magacaabay maamulka sare ee Rugta gacansiga iyo warshadaha ay soo saareen warsaxaafadeed ay isaga fogeynayaan magacaabistaas, ganacsatada la magacaabay qaar kood ayaa diiday gabi ahaanba magacaabiddaas, waxayna la hadleen warbaahinta madaxa bannaan iyagoo u sheegay in aanay raalli ka ahaan.

Warsaxaafadeedkan ayaa wuxuu dhabar-jab ku noqonayaa wareegtadii ka fiirsasho la'aanta ahayd ee ay soo saartay wasaaradda ganacsiga dowladda Soomaaliya, waxayna muujinaysaa rabitaanka bulshada in ay ka hor imaanayaan shaqaalaha wasaaradda oo ka doonaya dano dhaqaale kala dirista Rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya.

Inta badan is qab-qabsi xoog leh ayaa wuxuu soo kala dhex galaa Rugta ganacsatada Soomaaliya iyo sidoo kale wasiirka ganacsiga ee loo magacaabo wasaaradda, waxaana iska cad in dano dhaqaale darteed la isku qabto.

Halkan hoose ka akhriso Warsaxaafadeedka:

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.