Ruushka oo isku diyaarinaya difaaca Farmaajo

Sida ay Keydmedia Online, hore u baahisay, Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, wuxuu qorsheeyay inuu cadaadiska reer Galbeedka kaga gambado gidaaradda Ruushka iyo Shiinaha, waxaana maanta Muqdisho ku kulmay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaalia iyo Safiirka Ruushka.

Warar Keydmedia Online
Ruushka oo isku diyaarinaya difaaca Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaalia, Balal Cusmaan ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kulan kula qaatay Safiirka dalka Ruushka u qaabilsan Soomaaliya iyo Jabuuti, Michail Golovnov.

War ka soo baxay Dowladda Fadaraalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Michail Golovnov, uu kulan qodo dheer la qaatay Balal Cusmaan, kaas oo looga hadlay, sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada waddan.

Kadib kala furashada Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday iyo reer Galbeedka uu Mareykanku hor boodayo, waxaa la aaminnsan yahay in la joogo xilligii uu Farmaajo, bannaanka u soo saari lahaa, qorshihiisa muddaba uu daboolka ku huurinayay ee ah inuu dalka qaadsiiyo jidka Shuucidda ay Ruuskha iyo Shiinuhu hoggaanka u hayaan.

Hadallada, Safaaradaha Shiinaha iyo Ruushka, ee sida buuxda uga soo hor jeeda damaca iyo dadaallada Reer Galbeedka, waxa ay u muuqdaan, kuwo hore loo qorsheeyay, lana doonayo in Soomaaliya ay la mid noqoto dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Eretria, oo mar hore la ooday dariiqa dimuqraadiyadda.

Intii lagu jiray dagaalkii Qaboobaa, Siyaad Barre wuxuu si layaab leh uga guuray Midowgii Soofiyeeti, wuxuuna xiriir la sameystay Mareykanka, Farmaajo ma wuxuu samaynayaa cagsigeeda? Shiinaha iyo Ruushka ayuu Mar hore isku dhiibay, waxaana taas ku garab siiyay Itoobiya, Ereteriya.

In kastoo Farmaajo ka yimid Mareykanka, haddana si uu uga cararo cadaadiska reer Galbeedka ayuu 2018-kii ku biiray hindisaha Belt and Road Initiative, ee Shiinaha, halkaas uu u arkayay inuu kaga xoroobi doono canaanta Yurub iyo Mareykanka.

Hadda xaaladdu cirka ayay isku shareertay, waddamada isku yaqaan maal-gashadayashu waxa ay diyaarinayaan cunaqabateyn la dul dhigo kuwa caqabadda ku ah dimuqraadiyadda iyo xasilloonada Soomaaliya oo Farmaajo, ka mid ah, waxaana la aamin sanyahay in Ruuska iyo Shiinuhu si cad ula jirsan doonaan, damaca Farmaajo ee kalitalisnimada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].