Ruux Miino aasayay oo Muqdisho lagu dilay

Ciidamada amaanka ayaa xalay Saqdii dhexe Nin Miino ku aasayay wadda dhinaceeda ku toogatay xaafadda Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid. 

Warar Keydmedia Online
Ruux Miino aasayay oo Muqdisho lagu dilay

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya iyo rag hubeysan ayaa xalay abaaro 03:00AM isku rasaaseeyay xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid.

Dableyda hubeysan ka koobnaa saddex ruux ayaa la sheegayaa in ay Miino ku aasayeen waddada dhinaceeda, islamarkaana mid ka mid ah la toogtay.

Mas'uul ka tirsan Degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in labadii kale ay goobta ka baxsadeen, balse lagu raad joogo.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 9 June 2021 15:42

Inkastoo runtii la qarinayay muddo dheer kadib ay bannaanka timid, hadana arrinta dhaliyarada loo qaaday Eritrea, ayaa sii murugsanaan karta haddii aysan su’aalahaan muhiimka ah ka jawaabin Rooble iyo Kheyre.