RW ku xigeenka Soomaaliya oo goob-joog ka ahaa Xil-wareejin

Ra'iisulwasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Mahdi Guuleed ayaa goob joog ka ahaa xil wareejinta wasiirkii hore iyo kan cusub ee wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
RW ku xigeenka Soomaaliya oo goob-joog ka ahaa Xil-wareejin

MUQDISHO - Soomaaliya: Ra'iisulwasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya mudane Mahdi Guuleed ayaa xilalkii ukala wareejiyay Wasiirkii hore ee wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada mudane Xildhibaan Sadiiq iyo Warfaa iyo Wasiirka wasaaradda Mudane Duran Axmed, goobta ay xil wareejintu ka dhacday oo ahayd wasaaraddi shaqada iyo arrimaha bulshada waxaa goobta ka hadlay Ra'iisulwasaare ku xigeenka iyo sidoo kale mas'uuliyiinta xilalka lakala wareegeysay, waxayna dhammaantood u mahad celiyeen madaxda dalka si gaara ahna waxay ugu mahad celiyeen Ra'iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa aad isugu ammaanay in uu wax ka qabtay wasaaradda oo uu sheegay xilligii loo dhiibayay in ay burbursaneed, bilicda ka muuqatana uu sababteeda lahaa, wuxuu yiri "Maanta, waxaan halkan soo galay anigoo aad ugu faraxsan goobta iyo dhismaha quruxda badan ee aan xilkeeda wareejiyo, anigoo maalinkii aan halkan xilka kula wareegayay ay ahayd meel burbursan oo nabad-diidku dhibaato wayn ka gaysteen"  waxa uu goobta ka sheegay Xildhibaan Sadiiq in uu masaakiin badan caawiyay wuxuuna isku ammaanay goobta ay xafladdu ka socotay in uu ahaa wasiirkii ugu horreeyay ee hirgaliyay barnaamij uu ku sheegay Barnaamijka ilaalinta Dadka Nugul, wuxuuna yiri "Waxay ii tahay sharaf inaan qayb ka ahaado taariikhda Wasaaraddan. Markii iigu horraysay ee aan shaqada Wasaaradda guda-galay waxaan dareemay sharaf iyo nasiib inay tahay u adeegidda bulshada Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana kuwa faqiirka ah ee aadka u nugul oo runtii aan nasiib u yeeshay inaan ahaado Wasiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka hirgaliya Barnaamijka Ilaalinta Dadka Nugul (National Safety Net Program) taasoo aan uga mahadcelinayo Madaxda sare ee dalka ee fursaddaas I siiyay"

Xildhibaanka ayaa isku ammaanay in mudnaan siisay haweenka shaqaalaha rayidka dawladda. Xafladda xil wareejinta ayaa u muuqatay mid dhoolla-tus oo loo sameeyay wasiir hore Xildhibaan Sadiiq Warfaa, waxaana ugu dambeyntii goobta ay ku kala saxiixdeen sida sharciga ah dukumintiyadii wasaaradda, iyadoo uu goob joog ahaa Ra'iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Guuleed.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.