RW Rooble oo baaq u diray MW Xasan Sheekh

Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa Madaxweynaha dhawaan-galka ah ee JFS ugu baaqay inuu isku howlo sidii dalka ay uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah.

News Keydmedia Online
RW Rooble oo baaq u diray MW Xasan Sheekh

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa soo qaban qaabiyay munaasabad lagu abaal marinayay guddiyadii iyo howlwadeennadii doorashooyinkii dadbanaa, kuwaas oo soo gabagaboobay 15 May 2022.

Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Rooble, RW ku xigeynka Guleed, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Adan Madoobe, Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare  Xaashi, iyo ku xigeennada Guddonka Golayaasha Baarlamaanka, ayaa ka qeyb galay xafladda mahad-celinta.

Intii uu ku guda jiray hadal jeedintiisii, Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa Madaxweynaha dhawaan-galka ah ugu baaqay inuu isku howlo sidii dalka ay uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah, isla-markaana uu ka foojignaado in dib loogu laabto doorasho la ceyn middii hadda dhamaatay.

“Alle yaa mahad leh oo doorashadii nabad noogu dhammeeyey, Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud waxaan leeyahay hambalyo, waxaan rajaynayaa in uu dalka u horseedo doorasho qof iyo cod ah oo aanan dib ugu laaban doorashadii dadbanayd”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhibaato xooggan ka maray, hirgalinta hannaankii doorashada, sababo la xariira baahsanaanta awoodda iyo saameynta ay ku lahaayeen Madaxda Maamullada iyo xafiiskii Farmaajo, waana sababta ugu weyn ee keentay dib u dhacii doorashada iyo daahii sanadka ka badnaa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
News 1 July 2022 19:42

The directorate said that even with the resumption of the Somali market, they are still targeting European countries, which in 2014 banned the crop after it was classified as a drug.