RW Rooble oo bixiyay amar lagu fulinayo dalabka Mucaaradka

Amarkan ayaa imaanaya xili uu C/raxmaan Cabdishakuur sheegay in Fahad Yaasiin uu wali faragelin ku hayo arrimaha magacaabista xubnaha gudiyadda doorashadda.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo bixiyay amar lagu fulinayo dalabka Mucaaradka

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa galabta kulan la qaatey gudiga heer wasiir ee loo xilsaarey turxaan-bixinta gudiyadda doorashadda, isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan xubnaha laga saarey iyo kuwa ku harsan.

Qoraal lasoo dhigay barta Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ku leeyahay Facebook ayaa lagu sheegay in Rooble uu amar ku bixiyay in xubnaha ku dhiman maamullada inay usoo magacaabaan gudiyadda doorashadda in si degdeg ah looga soo gudbiyaan, islamarkaana la hubiyo inaysan ku jirin xubno aan dhex-dhexaad ahayn.

Amarkan ayaa imaanaya xili uu C/raxmaan Cabdishakuur, hogaamiyaha xibiga mucaaradka ee WADAJIR sheegay in Fahad Yaasiin uu wali faragelin ku hayo arrimaha magacaabista xubnaha gudiyadda doorashadda heer Federaal iyo Maamul Goboleed.

Fahad Yaasiin ayaa isku dayaya inuu xubnaha cusub ee imaanaya ka dhigo kuwa kale oo isla NISA kamid ah, waxaana arinta uu u sameynayaa sidii uu Farmaajo ugu soo laaban lahaa kursiga, waxaana uu abuurayaa hanaan doorashadda codadka ugu shuban karaan.

Laakiin, mucaaradka ayaa isha ku haya, oo xubin kastoo la keena baaraya si gaar ah, iyadoo Rooble uu la kulmayo cadaadis labada dhinac ah, waxaana is-jiid-jiidka socda laga cabsi qabaa inay dib u dhigto doorashadda bisha July lagu ballamay.

Mushairxiinya Mucaaradka ayaa dalbanaya in 67 xubnood oo ay soo gudbiyeen dhamaan laga saaro gudiyadda, islamarkaana shaqada turxaan-bixinta noqoto mid hufan, oo aan ku jirin faragelin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.