Rooble oo magacaabey Gudi doorasho oo khilaaf ka taagnaa

Gudiga oo ka kooban 11 xubin, ayaa magacaabistiisa waxay imaanaysaa xili uu jiray khilaaf u dhaxeeya gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi iyo Farmaajo oo ku muransanaa cida soo magacaabaysa.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo magacaabey Gudi doorasho oo khilaaf ka taagnaa

MUQDISHO, Soomaaliya -  Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay liiska gudiga loo xilsaarey inay ka shaqeeyaan doorashada Xildhibaannada gobollada Waqooyi ku mateli doono labad aqalka ee Baarlamaanka 11-aad.

Gudiga oo ka kooban 11 xubin, ayaa magacaabistiisa waxay imaanaysaa xili uu jiray khilaaf u dhaxeeya gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi iyo Farmaajo oo ku muransanaa cida soo magacaabaysa.

Sida ku xusan heshiiskii doorashadda September 17, DF ayaa xaq u leh inay gudiga magacawdo, iyadoo arintaas ay kahor yimaadeen siyaasiiyinta dowladda ku jira ee kasoo jeeda Somaliland, kuwaasoo sheegay in aysan aqbali doonin isku dayga Farmaajo.

Maamul Goboleed kasta isaga ayaa la imaanaya xubnaha ku matelaya gudiga doorashadda heer Federaal, waxayna ku leeyihiin codbixinta soo socoto saameyn ka ballaaran midii hore, laakiin khubarada siyaasadda waxay u arkaan qalad in Maamul Goboleed uu kaalin ku yeesho doorasho heer qaran ah.

Halka hoose ka akhri qoraalka Rooble:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.