NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Kulankan ayaa imaanaya xili Xukuumadda Rogane ay ku fashilantay hirgelinta heshiiskii doorashadda Sep 17, 2020, kaasoo Villa Somalia qodobadiisa jebisay.
MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rogane ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjireyaasha dalalka Turkiga iyo Qatar Mohmet Yelmez iyo Hassan Hamza oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dal kala dhexeeya Soomaaliya.
Kulanka wuxuu kusoo beegmayaa xili DF ay dalbatay dhawaan Malaayiin dollar oo ay ku qabato doorashadda, aan heshiiska lagu ahayn, oo hanaankeeda Farmaajo afduubay.
Turkiga ayaa lacag toos ah siiyay Sanad kasta, taasoo lagu qiyaasay 2 illaa 3 milyan oo dollar oo lagu kabo miisaaniyadda dowladda Federaalka, oo mudadii ay joogtay xafiiska awoodi waysay inay shaqaale qorato.
Qatar ayaa saameyn ku leh siyaasadda dowladda Farmaajo, maadaama ay iyadu bixiyay lacagtii uu doorashadda ku galaya 2017, iyadoo Villa Somalia u fadhiya Fahad Yaasiin, oo dalka ku maamula rabitaanka Doha.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments