RW Rooble: Albaabkayga waa u furan yahay cid walba oo tabasho ka ah doorashada

Rooble ayaa mar walba sheega in albaabkiisa uu furan yahay, welina lama aanu kulmin siyaasiyiinta dhaliisha qaba.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble: Albaabkayga waa u furan yahay cid walba oo tabasho ka ah doorashada

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xilli walba uu diyaar u yahay inuu xalliyo cid walba oo ka tabaneysa arrimaha doorashooyinka.

Waxa uu sheegay wax walbo ay ku wanaagsan yihiin wadahadal, bedalkii buuq iyo qalalaase la abuuri lahaa waa sida uu hadalka u dhigaye.

''Waxaan leeyahay albaabkeygu waa idin furan yahay cid kasta oo doorashada cabasho ka qabta, diyaar ayaan u ahay in aan si guud iyo si gaar ahba u xaliyo '' ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Rooble.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is dejiyaan oo aanay ka walwalin waxa dhici doona, isaga oo tilmaamay in wax walbo wadahal iyo is faham lagu dhameynayo.

Rooble ayaa weli u muuqda mid ku taageersan Farmaajo inuu waqtiga sii korosado, islamarkaana la qabto doorsho boob ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.