RW Rooble isagoo waqti yar haysta ayuu 8 Shaqo isu diray

Rooble oo 57 jir ah ayaa loo dhiibay xil culus, oo shaqada hortaalla aan lagu qaban karin mudada uu haysto oo ah 4 bilood, waxaana Madaxweyne Farmaajo u dhiibay xujo aan la fali karin.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble isagoo waqti yar haysta ayuu 8 Shaqo isu diray

MUQDISHO, Soomaaliya - Khudbadii uu Maanta ka jeediyay Kulankii Baarlamanka ee lagu siiyay codka kalsoonida, ayuu Ra'iisul Wasaare Rooble ka sheegay inuu 4 bilood ku qaban doono 8 shaqo, oo 3 sano iyo bar lagu soo qaban waayay.

Kadib markii xilka loo dhaariyay, wuxuu Rooble sheegay inuu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh, oo ka shaqeyn doonto qorsho siyaasadeedkiisa ka kooban 8-da qodob ee kala ah: 

1: Amniga

2: Doorashooyinka

3: Horumarinta dhaqaalaha

4: Cadaaladda

5: Dowlad wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa

6: Dib u eegista Dastuurka

7: Dib u heshiisiinta

8: Iskaashiga Caalamiga ah

Waxay dadka falanqeeya siyaasadda usoo jeediyeen Rooble inuusan balan-qaadin qodobo uusan waxba ka qaban karin, balse taas bedelkeeda uu xoogga saaro hirgelinta heshiiska doorashadda iyo inuu amniga ka shaqeeyo.

Waqtiga dowladda ayaa waxaa ka haray 4 bilood, waxayna ku qaadan doontaa Rooble inuu soo dhiso Xukuumadda ugu yaraan hal bil, taasoo sii yareynaysa mudo-xileedkiisa oo ay cariiri ku noqon doonto inuu doorasho qabto.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.