RW Rooble: Ma jirto cid NISA ka tirsan oo guddiga doorashada ku jirta

Rooble ayaa doonaya in shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed uu maalin cad indha carro uga shubo.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble: Ma jirto cid NISA ka tirsan oo guddiga doorashada ku jirta

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in shaqsiyaad ka tirsan hay'adda NISA lagu soo daray guddiga doorashada, taasi oo cabsho ay ka mujiiyeen siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Rooble ayaa sheegay in Askarigu uu yahay muwaadin Soomaaliyeed, laakiinse aanay jirin in askar NISA ah lagu soo daray guddigan, wuxuuna tilmaamay in lagu soo xulay guddiga shuruudo lagu soo heshiiyey.

''Waxaa jira sharuudo lagu xiray qofka guddiyadan ka mid noqonaya oo ah in uu Soomaali yahay, in uu Muslim yahay, In uu horay maamul u soo qabtay, waa run Askarigu waa muwaadin Soomaaliyeed, laakiin waxaan idin xaqiijinayaa in hal Askari uusan ka mid aheyn guddiyada la soo magacaabay'' ayuu yiri Ra'iisul wasaaraha.

Rooble ayaa u sheegay siyaasiyiinta iney iska daayaan cabsida ay qabaan, islamarkaana doorashada uga soo qeybgalaan si shaki aanu ku jirin.

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa soo magacaabay guddiga doorashada oo u badan dhalinyarro u dhaw Fahad Yaasin iyo Farmaajo, waxaana guddigan ka mid ah saraakiil ka tirsan Hay'adda NISA, sidee markii ugu horeysay ay shaacisay Keydmedia Online. 

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa musharraxiinta ah ayaa qaadacay guddigan, iyadoo Farmaajo aanu weli waxbo ka bedalin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.