RW Rooble oo ballanqaad u sameeyay dhalinyarada

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliyeed Maxamed Xuseen Rooble ayaa isagoo la hadlayay dhallinyarada Soomaaliyeed wuxuu ballanqaad u sameeyay dhallinyarada Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo ballanqaad u sameeyay dhalinyarada

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliyeed Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ku beegan 15 -ka May, isagoo ballanqaaday in xukuumaddiisu mudnaan gaar ah siineyso xoojinta kaalinta dhallinyarada.

Inkastoo Xukuumadda RW Rooble ay tahay xil gaarsiin, waqtigii doorashada la qaban lahaana lagu dhaw yahay haddana Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu ballanqaad hor leh usameynayaa dhallinyarada Soomaaliyeed oo aan helin fursadihii shaqo afartii sano ee dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo.

RW Rooble ayaa ka qeyb galaya xafladda caleema-saarka madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, taasoo u ka cudur daartay inuu ka qeyb galo madaxweyne Farmaajo.

Halkan hoose ka akhriso farriinta Ra'iisul Wasaaraha.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.