Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hor imaan doona Golaha Shacabka BJFS
MUQDISHO, Soomaaliya - RW Rooble ayaa lagu wadaa inuu berri hor yimaado Golaha Shacabka isagoo laga rabo inuu hor keeno warbixin ku saabsan wax-qabadka 100 ka maalin ee Xukuumadda JFS.
Xogheynta Golaha Shacabka BJFS ayaa farriin udiray xubnaha golaha shacabka waxaana loo sheegay in Ajandaha kulanka uu yahay hal qodob oo ah Wax-qabadka 100 -ka maalin.
Farriintan ayaa lala wadaagay Xildhibaanada.
"Beri oo Arbaca ah oo ay Tar 10 February, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka.
Agendaha
1. Hadal Jeedinta R/Wasaaraha - Warbixin ku Saabsan Wax - Qabadkii 100ka Maalmood ee XJFS
Saacadu waa 09:00 subaxnimo.
Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in Xukuumadu damacsan tahay in muddo kordhin ay ka codsato Golaha Shacabka"
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments