RW Rooble oo dhaliilay maamulka gobolka Banaadir

Gobolka Banaadir ayaa dayacay shaqadii ay shacabka ka sugayeen.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo dhaliilay maamulka gobolka Banaadir

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku eedeeyey maamulka gobolka Banaadir iney ka gaabiyeen shaqooyinkii loo igmaday.

Rooble ayaa kulan la qaatay mas'uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, wuxuuna u sheegay in looga baahan yahay dar-dargelinta howlahooda shaqo.

“Waxaan isugu kiin yeeray dardar gelinta howlaha aad u haysaan shacabka oo maalmahan la dareemayo gaab muuqda oo ka jira dhanka bilicda iyo fayo dhowrka Caasimadda. Sidoo kale waxaa la idin ka sugayaa in aad gurmad deg deg ah la gaartaan dadkeenna ay waxyeeleeyeen Roobabka ka da’ay Gobolka.” ayuu yiri ra'iisul wasaaraha.

Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ee uu la kulmay RW Rooble ayaa ballanqaaday in dar-dar shaqo ay bilaabi doonaan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dayacay shaqadii ay u hayeen bulshada, iyadoo shaqadooda kusoo uruurtay oo kaliya iney dadka canshuur ka qaataan.

Dhanka kale, waxaa biyo badan ay fariisteen waddooyin muhiim u ah isku socodka dadweynaha.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.