Rooble: “Hay’adaha amniga ha kasbadaan quluubta bulshada”

DF ayaa furtay wadooyin halbowle u ah isku socodka bulshadda, oo ay kamid tahay mida isku xirta KM4 iyo Tarabuunka oo u xirnayd Safaaradda Qatar mudo sanado ah.

Warar Keydmedia Online
Rooble: “Hay’adaha amniga ha kasbadaan quluubta bulshada”

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray ciidamada amniga inay la shaqeeyaan shacabka si loo sugo amniga dalka. Rooble wuxuu booqasho habeen ah ku tegey baro koantorool oo muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho.

Raiisel wasaaraha oo ay wehliyaan saraakiil katirsan DF ayaa booqday in kabadan 10 bar koontorool oo ku yaala magaalada xeebta leh. Intii uu ku guda jiray kormeerkiisa, wuxuu warbixin ka dhageystay madaxda amniga, wuxuuna la falgalay dhalinyarada ka shaqeysa xarumaha ganacsiga, isagoo kala dhageystay caqabadaha ugu waaweyn.

Rooble ayaa sheegay in amniga la hagaajin karo oo kaliya marka Ciidanka ay iskaashi la sameeyaan shacabka. "Waxaan ubaahanahay inaad heshaan ciidamo amni oo saaxiibtinimo leh oo shacabka iyo shacabka kala shaqeeya horumarinta amniga," ayuu yiri Rooble.

Ciidamada ayaa adkeeyay amniga Caasimada si looga hortago weerarada uga imanaya Al-Shabaab ka hor doorashooyinka dalka ee la filayo inay dhacaan dabayaaqada sanadkan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.